Al-Shabaab ayaa la sheegay inay kordhiyeen cadaadiska iyo hanjabaada ay ku hayaan Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur kadib markii ay ka war heleen in uu ku suganyahay degaanka Abal ee ka tirsan Gobolka Bakool isla markaana ay ka war hayaan inuu haysto ciidamo fara badan.
Sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan karo Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore dhaq dhaqaaq ciidan ka sameeyay agagaarka deegaanka lagu magacaabo Abal oo uu ku sugan yahay Abuu Mansuur.
Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay diyaariyeen ciidamo weerara Abuu Mansuur, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ciidamada loo diyaariyay inay weeraraan uu hoggaaminayo Sheekh Xasan Yacquub oo ah Guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Galgaduud.
Tan iyo markii dowladda Mareykanka ay shaacisay in ka qaaday xayiraadii lacageed ee saarneyd Abuu Mansuur waxaa kordhay cadaadiska uu kala kulmayo Al-Shabaab.
Maamulka Koofur Galbeed ayaa horay u xaqiijiyay in Al-Shabaab ay doonayaan inay weeraraan Abuu Mansuur.
Abuu Mansuur oo sanadkii 2013 ka tagay kooxda ayaa ku sugnaa deegaanada uu ka soo jeeda ee Bay iyo Bakool, halkaasoo uu ku dhuumaaleysan jiray kuna haystay Ciidamo fara badan oo ay isku hayb yihiin.