Al-shabaab oo meel fagaare ah ku toogtay 5 Nin iyo magacyadooda oo la helay

Al-Shabaab ayaa degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha hoose waxa ay ku toogteen Shan ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jawaasiis.

Ragga Shabaabka ay dileen ayaa waxa ay ku kala eedeeyeen inay la shaqeynayeen, Dowladda Somaliya, Ciidamada Itoobiya iyo Ciidamada Kenya ee dalka ku sugan.

24kii bishii aynu ka soo gudubnay ee December ayaa sidoo kale ururka Al-Shabaab waxa ay meel fagaare ah ku toogteen deegaanka Iidaale ee gobolka Bay shan dhalinyaro oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jawaasiis.

Al Shabaab ayaa shalay gabal dhicii isugu yeeray dadka degaanka oo u soo daawasho tagay fagaaraha lagu tooganaayay Shantaasi ruux ee Shabaab ay toogteen.

1-Cabdi Qaadir Cumar Xasan oo da’diisu aheyd 23 jir, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay maamulka Degmada Qoryooley.

2-Cabdi Qaadir Shukri Xasan oo da’diisa aheyd 30, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Dowladda.

3-Muxamed Abshir Cali oo 35 jir ah, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay ciidamada Itoobiya.

4-Cali Axmed Sheekh Cali oo da’diisu aheyd 30 waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Dowladda.

5-Cali Yuusuf Axmed oo loo yaqaano Jacfar Dheere oo Da’diisu aheyd 36 Jir isagaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Dowladda Kenya.

Dilka ay shalay ku fuliyeen dhalinyaradan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee Al-Shabaab ay meel fagaare ah ku toogtaan rag lagu eedeeyay inay ahaayeen Jawaasiis.

Amin Ibrahim (Amin yare)       Qoryooleey Sh. Hoose