Al-shabaab oo maanta Xukun Dil toogasho ah fuliyay

Wararka naga soo gaaraya degaanka Buqa qable ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi Al-Shabaab ay ka geysteen dil toogasho ah .

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Al-Shabaab ayaa toogtay Nin lagu magacaabo Sahal Axmed Rasle oo ay ku eedeeyeen in uu ka mid ahaa Ciidamada dowladda.

Maxkamad ay maamulaan Al-Shabaab ayaa ninkaasi ku fulisay maanta dil toogasho ah meel Fagaaro ah oo ay soo dhoobtay boqolaal qof.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab fuliyaan Xukuno noocan oo kale ah balse tiro dhowr jeer ayaa waxa ay deegaano badan oo dalka ah ay ka fuliyeen Xukuno kala duwan.