Al-shabaab oo laga qabsaday deegaano cusub iyo tiro shabaab ah oo la qabtay

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada qeybo ka mid ah Gobolka shabellaha hoose, iyaggoo ku xorreeyey deegaano hor leh oo gobolkaaasi katirsan.

Degaano hoos yimaada degmadda Kuntunwaareey ayey ciidamada xoogga ka xorreeyeen Alshabaab, waxaana  deegaanadaas Al-shabaab  ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah, waxayna ku  qasbi jireen  inay keenaan dhalinyaro u dagaalanta iyo in aysan jari Karin geedka Soomaalida ay u taqaan cali garoobka oo wadooyinka deegaanada la xorreeyey xiray, dhibaatana bulshada ay ku qabeen.

Taliyaha ururka 26 aad ee  guutada seddaxaad Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar (Jaamici) oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa u sheegay in gacanta Alshabaab ay ka bixiyeen deegaano hoos yimaada  degmadda Kuntunwaareey ee Gobolka shabellaha hoose, islamarkaana ay qabteen tiro Shabaab ah.

Col Xasan Jaamici, ayaa sheegay in howlgalada Al-shabaab lagula dagaalamayo ee gobolka Sh/hoose ka socda ay noqon doonaan kuwa joogta ah, dhowaanna lasoo afjari doonno howlgaladaasi,  isagoo shacabka ugu baaqay in Ciidamada ay kala shaqeeyaan siddii Alshabaab looga xoreyn lahaa deegaaanada tirada yare ee hadda ay ku dhuumanayaan.