Al-shabaab oo laga qabsaday deegaan Muhiim ah

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Bakool ciidamada Milatariga ayaa saaka dagaal waxa ay ku qaadeen degaano Shabaab ay kaga sugnaayeen Gobolka Bakool.

Ciidanka Xoogga dalka  ayaa ka duulaan tagay Degmada Xudur ee Gobolkaasi Bakool, waxayna ku dhaqaaqeen ciidanka deganka Toor toor oo Shabaab ay gacanta ku hayeen, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal labada dhinac khasaare ku soo kala gaaray, ugu dambeyna Shabaab looga qabsaday degaanka.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Bakool C/laahi Maxamed Nuur Xuseen, oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay dagaalkaasi in Shabaab ay uga saareen degaanka Toor toor oo saaka dagaalka uu ka dhacay.

Wuxuu sheegay degaankan inuu ahaan jiray Saldhig ay Shabaab ka soo abaabulaan weerarada ay ku soo qaadaan Degmada Xudur, balse hadda si buuxda ay gacanta ugu hayaan ciidamada Xoogga dalka Somaliya.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab oo guud ahaan dalka oo dhan laga bilaabayo.