Ururka Al Shabaab, ayaa lacagta shilin Somaliga ka mamnuucay deegaanada ay ka arrimiyan ee Gobolka Hiiraan, iyadoo tanina si weyn looga dareemay Magaalada Baledweyne.
Wasiirka Maaliyadda ee Maamulka Hirshabelle, Zaki Cabdi Xaraare, ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab ay deegaanadaasi ku soo rogayn amaro ah inaanan la isticmaali karin lacagta Somaliga.
Wasiirka, ayaa tani ku macneeyay mid ay Shabaabku ku doonayan in ay ku dhibaateeyan ganacsiga Gobolka Hiiraan, balse uu Maamulka Hirshabelle wax ka qaban doono.
Sidoo kale arrintan, ayaa waxay saamayn ku yeelatay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ka dib markii bulshada ku dhaqan deegaanada ay Shabaabku ka arrimiyan, ay lacagahooda ula soo carareen Baledweyne.
Baledweyne, ayaa laga dareemay hoos u dhac weyn oo ku yimid lacagta Somaliga, iyadoo hadda halka dollar magaalada looga sarifanayo 35 kun, halkii uu markii hore ka ahaa 28 kun.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo u waramay Warbaahinta ayaa yiri “Dadkii deganaa dhulka ay Shabaabku maamulaan, ayaa lacagaha jawaano iyagoo ku wada yimid Magaalada Baledweyne, taasaana u sabab ah kororka ku yimid sarifka lacagta. Markii hore halkii dollar waxaa lagu sarifaayay labaatan iyo sideed kun, hadana wuxuu gaaray soddon iyo shan kun.” Ayuu yiri ninkan oo codsaday inaanan magaciisa loo adeegsan Warbaahinta.
Waxaa uu intaa ku daray “Dadkaas waxay rabaan in lacagta shilin Somaliga loogu bedelo dollar oo keliya, marka taas ayay walaac ka muujiyeen ganacsatada, waxayna dhaheen dollarkii ayaa naga baxaayo, shilin Somaliga bes ayaana noo haraayo. Ganacsatada qaarkood waxay shalay diideen inay qaataan shilin Somaliga.”
Wararka saakay laga helayo Magaalada Baledweyne, ayaa sheegaya in goobaha ganacsiga qaarkood ay xiran yihiin, sababo ku aadan ganacsatada oo ka biyo diidan in ay dollarka ku bedeshan shilin Somaliga.