Al-shabaab oo labo sano kadib Guddoomiye cusub u magacowday Gobolka Banaadir.

Wararka laga helayomas’uuliyiin ka tirsan ururka Ashabaab ayaa sheegaya in Gobolka Banaadir oo ah caasimadda Muqdisho loo magacaabay guddoomiye (Waali), kadib markii duqeyn lagu dilay guddoomiyihii hore sanadkii 2017,

Guddoomiyaha cusub ee Alshabaab u magacawday Gobolka Banaadir ayaa lagu magacabaa Daahir Macallin Salaad oo muddo dheer ka tirsanaa ururkaasi, isagoo ka mid ahaa saraakiisha Amniyaadka Al-shabaab.

Guddoomiyihi hore Al-shabaab u qaabilsanaa G/Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) ayaa duqeyn lagu dilay July, 2017, sida ay xaqiijisay Alshabaab, waxaa ilaa xilligaasi aanay Alshabaab magacaabin xlkan.

Sanadihii ugu danbeeyay waxaa sii kordhay saameynta Alshabaab ku leedahay magaalada Muqdisho, iyadoo canshuur ka qaadata goobaha ganacsiga, qaar ka mida amaradeedana ka fulaan caasimadda.