Al-shabaab oo la wareegay gacan ku haynta Ceelbuur

Ciidanka Itoobiya  ee qaybta ka ahaa Howgalka AMISOM ayaa maanta waxa ay isaga baxeen Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud,

Sida u sheegay  Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur  Nuur Xasan Guutaale Ciidanka itoobiya ayaa Maanta isaga baxay Degmada, iyaga oo aan ku soo war gelin maamulka.

Gudoomiye guutaale waxa uu sheegay Ciidanka Itoobiya in ay u dhaqaaqeen dhanka Degmada Dhuusa-mareeb, wuxuuna Ciidanka Itoobiya ku eedeeyay in ay u dhaqmeen si masuuliyad daro ah,

Sidoo kale Waxaa uu sheegay sheegay in Al-shabaab ay la wareegeen Degmada, hadana ay maamulayaan, oo ay heystaan xarumaha Maamulka Degmada uu ku shaqeynayay.

Dadka Degaanka ayaa  sheegay dadka qaar ee la shaqeynayay Maamulka Degmada iyo Ciidanka Itoobiya in ay soo wajahday cabsi xoogan, taasi oo ku aadan in ay dhibaato gaarsiiyaan Shabaab.