Al-Shabaab oo ka hadlay wararka sheegaya in Amiirkooda Geeriyooday

Warar ay Baraha Internet-ka ku faafiyeen Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in Hoggaamiyahooda Axmed Diiriye uu Cafimaad qabo,isla markaana wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Waxaa kaloo ay sheegeen in Warkaas uu yahay mid lagu daboolayo heshiiskii 16-kii Bishaan Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo ahaa in Itoobiya maalgashato 4 ka mid ah dekadaha dalka Soomaaliya.

Abu Cubeydah ayaa noqday hoggaamiyaha Al Shabab kaddib markii Mareykanka uu duqayn cirka ah ku dilay hogaamiyihii isaga ka horreeyay ee Axmed Godane.

Dowladda Soomaaliya ayaanan ilaa iyo hadda Warka soo saarin wararka sheegayay in uu geeriyooday hoggaamiyihii ugu sareeyay Al-Shabaab wallow Al-Shabaab ay Warkaasi beeniyeen.