Al-shabaab oo isaga baxay degaan ay muddo maamulayeen

Wararka aan ka heleyno deegaano hoostaga degamda Mahadaay ee Gobolka Shabeellha Dhexe ayaa waxa y sheegayaan in ay isaga baxeen degaanka Qurac Madoobe dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo Gacanta ku hayay.

Deegaanka Qurac Madoobe,oo ka mid ah tuulooyinka degamda Mahadaay,ayaa waxa isaga baxay Al-Shabaab oo mudo maamulyay sida uu sheegay gudomiyaha Cusub ee degmadaas.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay durbadiiba la wareegeen deegaanka Qurac Madoobe,markii ay Al-Shabaab ogaadeen in lagu soo wajahan yahay ay isaga baxeen sida uu hadalka u dhigay.

Dadka ku nool deegaanka Qurac Madoobe oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in ay ka cabsi qabaan in dushooda lagu dagaalamo.

Al-shabaab ayaa looga bartay in ay dib usoo weeraraan fariisimada ay ka baxaan.