Al-Shabaab Oo Haween ku dhaawacay Gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha degmada Maxaas Muumin oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay jid u galeen Gaari kusoo jeeday degmada , islamarkaana ka yimid dhanka tuulooyinka Maxaas oo hoos yimaada.

Gaarigaasi ayaa waxaa saarnaa Askari ka tirsan Ciidamada dowladda, labo qof oo dumar ah iyo darawalka Waday Gaariga.

Gudoomiye Muumin ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dileen Darawalkii Gaariga, iyo Askarigii Ciidamada ka tirsanaa ,islamarkaana labadii qof ee dumar ahaana ay dhaawaceen Gaarigiina ay qaateen.

Goobta uu falkaan uu ka dhacay ayuu sheegay in ay Al-Shabaab jooggaan.

Gudoomiyaha degmada Maxaas , waxaa uu xusay in ay Al-Shabaab ay ka saari doonaan goobaha ay ka jooggaan degaanada hoos yimaada degmada maadaama ay dhibaato ku hayaan Shacabka.

Majiro wax War ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan falkaasi haweenka lagu dhaawacay.