Al-Shabaab oo gubay Gaari Qaad siday iyo 4 Ruux oo ku geeriyootay

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose, Shabaab ayaa xalay fiidkii waxa ay gaari Qaad siday ku gubeen deegaanka Batra-miin oo u dhaxeeya Golweyn iyo Buula-mareer oo ka tirsan gobolkaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa  sheegay in xalay fiidkii ay mar qura ka war heleen gaari halkaasi ku gubanaya, iyo dad dalbanayay gargaar.

Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi ka imaanaya ayaa sheegaya in falkaasi ay ku geeryoodeen ilaa Afar qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa gaariga, una rarnaa Qaadka oo markii laga keenay Buula-mareer, loona waday Shaleembood.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Guddoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda gobolkaasi C/fataax Xaaji ayaa sheegay in hada aysan ka hadli karin dhacdadaasi, balse ay wadaan baaritaan iyo dabagal.

Gobolka Shabeellaha Hoose waxa uu ka mid yahay gobolada ugu colaada badan dalka, waxaa isku heysta oo isku horfadhiya Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab, sidoo kale gobolka mararka qaar waxaa ka dhaca dagaal beeleedyo.