Wararka laga helayo degmada Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal AMISOM iyo Al Shabaab halkaasi ku dhexmaray uu sababay khasaare kala duwan.
Dagaalka ayaa bilawday kadib markii gaadiid sahay u siday AMISOM ay degaanka Golweyn ee gobolkaaasi ku weerareen xubno ka tirsan Al Shabaab, madaafiicda garbaha laga tuuro, halkaasina uu ku gubtay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee AMISOM.
Intaasi kadib ayaa labada dhinac waxaa halkaasi ku dhexmaray dagaal toos ah, dagaalka ayaa la sheegay inuu ku fiday degaanada miyiga ah ee degmada Buula-mareer.
War Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen inay gubeen mid ka mid ah gaadiidka AMISOM, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen ciidanka ay weerareen.
Masuuliyiinta AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaanay inoo suuragelin inaan helno, si aan wax uga weydiino weerarkan jidgalka ah ee lagula eegtay Shabeellaha Hoose.