Al-shabaab oo gubay 6 Gaari oo kuwa xamuulka ah

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al-shabaab ay gubeen Lix gaari oo kuwa xamuulka qaada oo marayay deegaanka Maroodile oo hoostaga Magaaladda Beledweyne.

Dagaal kooban oo dhaxmaray maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Maxamuud Cali Maxamed  Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga iyo siyaasada ee maamulka Magaaladda beledweyne ayaa sheegay in Al-shabaab ay gubeen Lix Gaari oo kuwa xamuulka qaada ah oo ku sii jeeday deegaanno hoostaga Ismaamulka Itoobiya iyo gobollada Bay iyo Bakool.

Waxa uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka in ay ka anbabaxeen Gaadiidka la gubay magaalada Beledweyne.

Todobaadyadii ugu danbeeyay qeybo ka mid ah gobollada dhexe ee bartamaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Hiiraan waxaa dhaqdhaqaaqyo ka wada dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.
Dhowr jeer oo hore dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa gubay Gaadiidka qaada Xumuulka iyo qaadka.