Maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegay in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay duulaan ku yihiin degmadaas.
Gudoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xuseen Jeex ayaa sheegay in Al-shabaab ay wadaan dhaqdhaqaaq ay duulaan ugu soo yihiin degmada, islamarkaana ay iska difaaci doonaan mar walba.
“Maamulka degmada baraawe wax cabsi ah kama qabo dagaalka Al-shabaab,ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM waxa ay diyaar u yihiin dagaalka Al-shabaab, waxa ay dhaqdhaqaayo ay ka wadaan tuulooyinka hoos yimaada degmada Baraawe,balse awood uma lahan in ay la wareegaan degmada”, ayuu yiri gudoomiyaha degmada baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose Xuseen Jeex.
Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa shalay la wareegay deegaanka Radaay oo hoos yimaada degmada baraawe halkaas oo sanadihii lasoo dhaafay ay ku lahaayeen saldhigyo melleteri Ciidamada AMISOM, islamarkaana halkaas ay la wareegeen ciidamada Al-shabaab.