Al-Shabaab oo dil toogasho ku fuliyay Nin ku eedeysnaa fal dil ah

Xukunka dilka toogashada ah ayaa lagu fuliyay Cali Maxamed Cali oo 51 sano jir ahaa, kaas oo lagu eedeeyay inuu dilay wiil iyo aabihiis oo lagu kala magacaabo Aadan Cali Nuur (oo ahaa Aabaha) iyo Cali Aadan Cali (oo ahaa Wiilka).

Dilka 2-da qof ayaa yimid ka dib markii la sheegay in raashiinka loogu daray Sunta Jiirka, waxaana dhimashada 2-da qof ka sokow sidoo kale ay Suntu saameysay 3 caruur ah balse badbaaday.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee magaalada Saakow ayaa sheegay in ninka dilka geystay uu Maxkamadda ka hor qirtay falka uu kula kacay dhibanayaasha kaas oo ka dhacay tuulo hoos tagta magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Aqrinta Xukunka Maxkamadda ka dib, ayaa dilka toogashada ah lagu fuliyay Cali Max’ed Cali,iyadoo fagaaraha uu dilka ka dhacayay ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo shacab usoo daawasho tagay dilka toogashada ah ee marxuumka lagu fuliyay.

Al-Shabaab ayaa marwalba xukuno dil ah waxa ay ka fuliyaan deegaanada ay weli ka maamulaan qeybo ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya.

Warbaahinta Goobsan kala Soco Wararkii U danbeeyay ee Dunida
SHARE