Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay degaanka Baar Sanguuni

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dagaal kula wareegeen degaanka Baar Sanguuni oo ay kusoo qaadeen Saakay dagaal culus.

Warbaahinta Al-Shabaab taageerta ayaa qortay in dagaal culus ka dib ay ciidamada Shabaab Gudaha u galeen degaanka Baarsanguuni,islamarkaana ay dib uga baxeen Ciidamada Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in ay iska difaaceen dagaalyahanadii Al-Shabaab ee Weerarka kusoo qaaday,islamarkaana hadda ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda.

 Xoogag hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa saakay waabarigii waxa ay weerar saf balaaran ah ku qaadeen degaanka Baar-sanguuni oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, halkaasi oo bar ciidan ay ku leeyihiin ciidan isku jir ah oo dowladda federaalka iyo Jubbaland ka kala tirsan.

Shabaabka Idaacadda warka u faafisa ayaa waxa ay sheegtay in Baar-sanguuni lagu qaaday weerar lagu daah-furay qarax jugtiisa si weyn loo maqlay, intaasi kadib waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Baar Sanguuni ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay dib uga soo baxeen degaankaasi,islamarkaana halkaasi ay ku sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.