Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaan ka Tirsan Gobolka Bakool

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Teed ee Gobolka Bakool, dagaalyahano ka tirsan Ciidamada Shabaab ayaa saaka aroortii dagaal culus waxa ay kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Teed.

Ciidamada Shabaab ayaa saaka aroortii weerar abaabulan ku galay deegaankan oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya oo sanadihii ugu dambeeyay ku sugnaa deegaankan.

Ciidankii ku sugnaa deegaanka Teed, ayaa noqday kuwa lagu dilay dagaalka iyo kuwa u baxsaday dhanka Magaalada Xudur, maadaama Teed 30-KM ay u jirto Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, dagaalka ciidanka lagu qaaday ayaa wuxuu ahaa mid abaabulan.

Xoogaga Shabaab ayaa hadda gacanta ku haayo deegaankan, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya ee ku sugan Gobolka Bakool.

Deegaanka Teed ayaa ku yaallo wadada isku xirta Magaalooyinka Xudur iyo Ceelbarde ee Gobolka Bakool, waana deegaan muhiim ah, marka loo eego isu socodka labadan Magaalo oo hadda go’aya.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay wadaan abaabul ku aadan sidii guluf Militari ay ugu qaadi lahaayeen deegaankan, si ay dib ugu soo celiyaan gacanta deegaanka.

Xoogaga Shabaab ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan Magaalooyinka Somaliya, iyaga oo beegsanaya Xeryaha ciidamada Dowladda ay degan yihiin.