Al-shabaab oo beeniyay war kasoo baxay dowladda Federalka

Al-shabaab ayaa beeniyay war kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan in 81 ka mida Alshabaab lagu dilay weerar ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe.

Afhayeenka Howlgallada Alshabaab C/casis Abuu Muscab ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin warka dowladda Federaalka, islamarkaana aanu wax weerar ahba ka dhicin degmada Jilib.
“Waa been aan sal iyo raad midna lahayn sheegashooyinka cadowga ee ku aadan in ay beegsadeen xarumo ay Mujaahidiintu leeyihiin, Waxaana idiin xaqiijinayaa in aanu jirin wax weerar ah oo ka dhacay degmada Jilib iyo xitaa Jubada dhexe oo uu fuliyey cadowga” Ayuu yiri Sheykh Abuu Muscab.
Sheykh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Federalka ay arintan ku duugeyso guuldarooyinka Military iyo kuwa siyaasadeed ee ay wajaheysay dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlay Warbaahinta Dowladda  ayaa ka warbixiyay howlgallda ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fuliyay qaar ka mid ah Gobollada Dalka.
Wasiir Yariisow ayaa xusay in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa saaxiibada ay howlgallo ka fuliyeen Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, ayna jiraan qasaaro loo geystay Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah Goboladaasi.