Xarakada Al-Shabaab ayaa beenisay sheegasho ka soo yeertay maalmo ka hor Ciidamada Cirka ee Itoobiya, kaasoo ahaa inay duqeyn ku dishay 70 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.
War ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyay baraha Internet-ka ee taageera ayaa lagu sheegay in aanay jirin wax duqeymo ah oo ay la kulmeen, isla markaana warka ka soo yeeray dowladda Itoobiya uu yahay been aan sal iyo raad laheyn.
Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in sheegashada Itoobiya aysan waxba ka duwaneyn hab dhaqankii Kenya oo ahaa in wax aanan jirin oo ah duqeymo aanan dhicinba iska sheegtaan.
Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya ee Fana ayaa sheegtay 15-kii bishan in duqeyn cirka oo lagu dilay 70 dagaalame, iyadoo soo xigatay Taliyaha Ciidamada Cirka Itoobiya Gen. Yilma Merdasa.
Lama sheegin halka duqeynta ka dhacday, taas ayaana keentay in shaki badan la geliyo dhab ahaanshaha jiritaanka duqeymo ka dhacday Soomaaliya todobaadkan.