Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo maanta dil ka geystay agagaarka warshada baastada ee degmada yaaqshid. Maanta duhurkii ayay rag bastoolado ku hubeysan agagaarka warshaddii Baastada waxey ku dileen sarkaal sare oo katirsanaa dowladda, dhaawacayna askari kale oo katirsan ciidamada dowladda.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xoogaga Al-shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyada dilka sarkaal ay sheegeen in darajadiisa ciidan aheyd Korneel iyo askari ilaalia u ahaa korneelka la toogtay.
“Howlgal Gaar ah oo ciidamada Xarakatu Shabaab Barqo nimadii maanta ay ka fuluyeen agagaarka dhismaha Xarunta Warshadii hore Baastada degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho waxey ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al- Shabaab.
Sarkaalkan la dilay ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Jarane waxa uu ahaa saraakiisha melleteriga dowladda soomaaliya, waxaana aad looga garan jiray gudaha degmada Yaaqshiid ee M/Muqdisho.
Dilkaan ayaa kusoo beegmaya xili sakay weerar qarax miino ah lala beegsaday kolonyo katirsan ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa militariga Soomaaliya oo marayay agagaarka warshaddii Baastada.