Al-Shabaab oo baahiyay Magaca iyo Qabiilka Ruuxii isku Qarxiyay Saldhiga Imaaraadka ee Afgooye

Weerarkii lagu qaaday Jimcihii aynu soo dhaafnay saldhig melleteri oo  gacanta ay ku heyso dowladda Imaaraatka carabta, laguna tababaro ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa Al-shabaab waxey soo bandhigeen Ruuxii ka danbeeyay weerarakaasi loo Adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Al-shabaab ayaa soo bandhigay Qofkii ka danbeeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Saldhiga dowladda Imaaraadka ay ku leedahay degmada Afgooye ee gobalka shabeellaha hoose.
Warbaahinta ku hadashay Afka Xarakada Al-shabaab ayaa baahisay Magaca iyo Qabiilka uu u dhashay ruxii ka xeynayay gaariga Lagu dhuftay saldhiga Imaaraadka Carabta ee degmada Afgooye,waxeyna magaciisa ku sheegeen Aadan Cali Ukumey oo sidoo kale loo aqooni jiray (Qalinle Iyo Baariyow).

Al-shabaab ayaa sido kale ku sheegay “Qalinle”  inuu ahaa 26 sano Jir ku dhashay degmada Qansaxdheere ee  gobolka Baay, kana soo jeedo Beesha Hubeyr gaar ahaan reer Wanjele.
Weerarkii lagu qaaday Jimcihii aynu soo dhaafnay saldhig melleteri ee dowladda Imaaraadka Carabta ku leedahay degmada Afgooye, ayaa la sheegay iney dhimasha iyo dhaawac ku noqdeen askar iyo saraakiil Ajaaib ahaa oo kamid ahaa saraakiisha tababarada ciidamada dowladda ee saldhiga Imaraadka Afgooye.

Al-shabaab ayaa sheegay iney weerarkaasi Ismiidaaminta ahaa ku dileen ku dhawaad 80 saraakiil iyo askar isugu jiray, ay ku bur buriyeen 7 gaari oo isugu jiray kuwa xamuulka iyo kuwa dagaal, sido kale saraakiisha Geeriyootay ay kamid ahaayeen Afar Tababarayaal Ajaaib ahaa oo kasoo kala jeeday dallka Koonfur Afrika iyo Imaaraatka Carabta ee ku sugnaa Saldhiga la kulmay weerarka Ismiidaaminta ahaa.

Hoos ka dhageyso Codka Ismiidaamiyahii Saldhiga Imaaraatka ee Afgooye.