Akriso magaca: Mid kamid ah Maxaabiista ku xirnaa dalka India oo geeriyooday

Qaar ka mid ah Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Hindiya ayaa soo sheegaya in mid ka mid ahaa dhalinyaraddii Xabsiga ku jirtay uu geeriyooday ka dib markii ay soo wajaheen xanuuno kala duwan.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa ka mid ahaa dhalinyaradda dowladda Hindiya ay ku eedeysay in ay ka tirsan yihiin Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida, waxaana muddo sanado ah uu ku xirnaa dalkaasi.

Wiilka geeriyooday ayaa lagu magacaabi Jiray Atoor Bashiir  Barre , waxaana la sheegay in uu qabay cudurada Sonkorta iyo sidoo kale tiibeyda.

Xasan Kaafi oo ka mid ah dhalinyaradda kula xirnaa Xabsiga ayaa sheegay in muddo dheer uu xanuunsanaayay.

Waa Markii Saddexaad oo Maxaabiis Soomaaliyeed ay ku geeriyoodaan Xabsiyadda dalka Hindiya.

Horay ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen labo ka mid ah Maxaabiista dowladda Hindiya ay u heysato Falalka Burcadbadeednimo.

Dalka India ayaa waxaa ku xiran dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaareysa 118, waxaana dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii dhalinyaradaasi Muqdisho loo keeni lahaa.