Ahlu Sunna iyo Gal-Mudug ayaa heshiis rasmi ah oo ka kooban 14 qodob ku kala saxiixday madaxtooyadda Soomaaliya iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah golaha wasiiradda ee dowladda Federaalka.
Sidoo kale kulankan waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanada labada Gole ee laga soo doortay deegaanada maamulka Galmudug.
Heshiiskan ayaa qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir uu noqonayo Madaxa Xukuumada dowlad goboleedka Galmudug iyadoo xilkaasi uu yahay mid aysan hore u lahayn maamul goboleedyada dalka.
Halkan hoose ka aqriso qodobada lagu heshiiyay oo dhamaystiran.