Akhriso: Xaaf oo ku dhaqaaqay tilaabooyin Shacabka reer Galmudug ka hor keeni kara

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa waxaa degaanada Galmudug looga mamnuucay in ay ka degaan Diyaaradaha ka imaanaya Muqidsho, marka laga reebo Diyaaradaha Hay’adaha Samafalka iyo kuwa AMISOM.

Madaxweynaha Galmudug ayaa faray dhammaan Hay’adaha ay ku socoto warqadan in ay u hoggaansamaan fulinta amarkan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug, Wasaaradda Amniga Galmudug iyo Shirkadaha Gaarka loo leeyahay.

Xaaf ayaa shacabka Galmudug ugu gaarabay saameynta ay uu ku yeelan karo amarkan, isaga oo ka dalbaday in ay muujiyaan dulqaad inta arrintan laga xalinayo sababta keentay.

Dadka odorasa siyaasadda Soomaaliya ayaa warqadan ka soo baxday Madaxweyne (Xaaf) waxay ku tilmaameen in ay sii hurin karto mowjadaha siyaasadeed ee hada ay dhex dabaalaneyso Galmudug.