AKHRISO: Waxyaabahii ugu muhiimsanaa oo ay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Ahmed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa kulan ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Kulanka ayaa labada mas’uul uga wada hadlay ahmiyadda uu Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) u leeyahay Gobolka iyo sidii ay dalalka Geeska Afrika uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgashiga ee haatan jira.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa adkeeyay in isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika uu horseedayo koboc dhaqaale, maalgashi shisheeye iyo xasillooni buuxda oo ay qeyb qaataan dhammaan dalalka gobolka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu la kulmo inta uu ku sugan yahay dalka Shiinaha Madaxda Afrikanka ah ee ka qeyb galeysa Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC).