Akhriso: Waxyaabaha aad uga baahantahay in aad ka ogaatid weerarkii lagu qaaday Cabdiraxmaan C/Shakuur

Xalay ayay ahayd markii Weerar qorsheysan lagu qaaday Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan cabdi Shakuur Warsame kaasoo la sheegay inuu dhaawac fudud kasoo gaaray weerarkaas.

YAA WEERARAY SIYAASIGA ?

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan NISA ayaa xalay saqdii dhexe weerar qorsheysan ku qaaday guri uu dagmada wadajirka daganyahay siyaasiga cabdi raxmaan cabdi shakuur warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Ciidamada ayey ku qaadatay muddo 10 daqiiqo ah in ay gudaha u galaan guriga siyaasiga mucaaradka ah waxaana ay ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigaan isagoo dhaawac fudud ah.

Sidoo kale waxaa lala xiray Siyaasiga kale Sayid Cali Macalin Cabdulle oo horay u soo noqday Maareeyihii Dekeda Muqdisho.

MAXAA LOO WEERARAY SIYAASIGA ?

Cabdi raxmaan cabdi shakuur warsame ayaa muddooyinkui ugu dambeeyay waxa uu mucaarad xooggan ku ahaay dowladda farmaajo iyo kheyre isagoona dhowr jeer shirar jaraa’id qabtay inta badanna baraha bulshada ku dhaliili jiray madaxda dowladda taasi ayaana loo sababeynaya in gurigiisa la weeraro oo lagala baxo xabsina la dhigo.

MAXAA QASAARO AH OO KA DHASHAY?

Dhaawac ayaa kasoo gaaray siyaasiga weerarkaan lagu qaaday waxaana uu ka dhaawacmay gacanta bidix, waxaana sidoo kale ku dhintay ilaa 5 askari oo kamid ahaa ilaalada siyaasiga.

XAGEE HADDA LAGU HAYA SIYAASIGA ?

Ciidamada NISA ee xalay gurigiisa kala baxay siyaasiga ayaa waxa ay u kaxeysteen meel aan cayimneeyn balse warar hoose ayaa sheegaya in xarunta NISA ee godka jilacow lagu haayo siyaasiga oo dhaawac fudud qaba.

DOWLADDA MAXAY KA DHAHDAY?

Dowladda federaalka iyo Hey’addaha ammaanka weli kama aysan hadlin weerarka xalay lagu qaaday siyaasiga c/raxmaan cabdi shakuur iyo xariga loo geeystay toonna.