Dowladda Soomaliya ayaa ka warbixisay halka uu marayo Hawlgalka Amaanka lagu soo celinayo ee ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaliya Eng C/raxmaan Cumar Osmaan (Yariisow) ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaliya ay ku guuleysteen xaqiijinta amniga Magaalada,islamarkaana mudooyinka soo socda Magaalada ay noqon doonto mid amnigeeda la isku haleeyo.
Wasiir Yariisow ayaa sheegay in ay yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jirey magaalada Muqdisho, taasina loogu mahadcelinaayo Ciidamada Dowladda Soomaliya oo xil iska saaray amniga.
“Magaalada Muqdisho labadii bilood aynu soo dhaafnay waxaa ka dhacay labo qarax oo kaliyah sababta ayaa ah in Ciidamada Dowladda Soomaliya ay xil iska saareen xaqiijinta amniga, madaxda Dowladda uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaliya waxaa ka go’an in ay wax walba ku bixiyaan sidii loogu adkaan lahaa Al-shabaab,islamarkaana loogu tagi lahaa saldhigyadda ay ku sugan yihiin”, ayuu yiri wasiir yariisow.
Dowladda Soomaliya ayaa xalay xaqiisay dilka Gudoomiyihii Al-shabaab ugu magacownaa Gobolka banaadir Cali Maxamed Xuseen Cali (Jabal)kaasi oo la rumeysan in lagu beegsaday duqeyn ka dhacday Shabeelaha Hoose.