AKHRISO: Wararkii u dambeeyay degaanka Baxdo oo Xalay Shabaab gudaha u galeen

Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa xalay fiidkii waxa ay gudaha u galeen degaanka Baxdo oo 90-KM ujira Magaalada Cadaado ee xarunta Gobolka Galgaduud, sida ay inoo sheegeen ilo dhinaca ammaanka ah.

Ragga Shabaabka tirsan ayaa waxa ay gudaha degaanka la galeen laba gaari oo nuuca dagaalka ah, waxayna tageen Masjidka ugu weyn ee degaanka, halkaasi oo dadka degaanka ay kula hadleen.

“Way yimaadeen ragga Shabaabka ah, muddo 30 Daqiiqo ayay ku sugnaayeen degaanka, dadka ayay la hadleen, laba gaadiid ayay la soo galeen, kuwa kalena banaanka magaalada ayay soo dhigteen, maya dagaal kama dhicin, awoodii aan isaga dhicin laheyn xilligan ma lihin.” Ayuu yiri Salaad Xasan Cusmaan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka ee ku sugan degaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya Baxdo ayaa waxa ay sheegayaan Shabaabka in ay dib uga laabteen degaanka isla xalay, hadana ay joogaan Baxdo Ciidanka Dowladda oo baaritaano wada.

Maamulka Galmudug ayaa qorsheynaya in ay Ciidamo dheeraad ah ay u diraan degaanka Baxdo oo aanay ku sugneyn Ciidan ku filan, kadib markii Masuuliyiinta degaanka ay sheegeen in aysan la dagaalami karin Shabaab, awood yari Ciidan darteed.