Akhriso War Murtiyeedka kasoo baxay sedexda Maamul Goboleed ee Garoowe ku shiray

Madaxda Maamulada Puntland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle oo xalay shir gaar ah ku yeeshay magaalada Garowe ayaa ku dhawaaqay iskaashi iyo xiriir dhex mara, iyagoo soo saaray war murtiyeed wadajir ah.

Iskaashiga cusub ee dhex maraya saddexda maamul goboleed ayaa ku soo aaday, markii uu fashilmay Shirkii Wadatashiga ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

War murtiyeed ka kooban illaa 7 qodob ayay soo saareen Maamuladan saddexda ah, iyadoo si wadajir ah u taageeray War murtiyeedkii Wasiirada Maaliyadda dowlad goboleedyada kaga soo horjeesteen Xeerka Canshuuraha dalka ee uu Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Horgeeyay Baarlamaanka.

Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka:-