AKHRISO: Shirkii Golaha Wasiirada oo Tobobaadkii Labaad baaqday iyo Sababta oo la ogaaday

Shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiislaha ayaa todobaadkii labaad baaqday, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan dib u dhaca maanta ku yimid shirka oo ay ajandayaal dhowr ah looga hadli lahaa.

Shirkii Khamiistii hore ayaa u baaqday kulankii Shirka Golaha Amniga Qaranka ee ay yeesheen Madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada.

Warar aan ka heleyno Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in farriimo qoraaleed loo diray Wasiirada lagu wargeliyay in shirka Golaha Wasiirada ee dhici lahaa 15/02/2018 dib loo dhigay u baaqday, dib ayaana laga sheegi doona xilliga uu dhici doono.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in sababaha shirka u baaqday ay ka mid tahay ajandayaasha shirka looga hadli lahaa oo la isku khilaafsan yahay, sida magacaabista Xilalka Taliyeyaasha Ciidamada oo muddo 3 bilood banaan iyo arrimo kale.

Madaxda dowladda iyo xubnaha ku dhow dhow ayaa la sheegay dhowrkii todobaad ee u dambeeyay ay ku kala aragti duwanaayeen magacaabida Taliyeyaasha Ciidamada oo ay soo baxeen shaqsiyaad dhowr ah oo ay kala wateen Saaxibada Madaxweynaha.