Todobaadkan aan ku guda jirno ayaa la magaacabay 15 Gudoomiyayaal ee Gobolka Banaadir ayadoo ka badalan qaabkii mudooyinkii u dambeeyay loo qaybsan jiray degmooyinka Gudoomiye Taabit ayaana bilaabay Nidaam cusub oo lagu dhisay maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Isbadalka ku yimid maamulka Gobolka Banaadir ayaa kaaga muuqan kara shaxda qeybta hoose, waana talaabo ay si wada jir ah ugu shaqeeyeen gudoomiye Taabit, Wasiirka arimaha Gudaha, RW Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo.