Shacabka ku nool ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan dadka wata Gawaarida ee isticmala wadooyinka wixii hada ka dambeeya lama weydiin doono Aqoonsi Dowladeed (ID), sida uu Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ka sheegay kulan maanta ka dhacay degmada Kaxda..
Wuxuu sheegay Wasiirka arrintan in ay timid kadib markii ay badatay cabashooyinka ka imaanaya shacabka, oo ay sheegeen marka ay marayaan wadooyinka in Ciidamada ay ku xujeeyaan in ay la soo baxaan Aqoonsi Dowladeed, hadii kale laga celinayo wadada.
Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa sheegay dadka in aysan Dowladda u wada shaqeyn oo ay isugu jiraan Ganacsato, Arday, iyo dad iska caadi ah, loona baahneyn wixii hada ka dambeeya in lagu dhibaateeyo in ay wataan Aqoonsi Dowladeed.
Ciidanka Xasilinta ayuu ugu baaqay in amarkan ay dhaqan geliyaan ilaa Sabtida ugu dambeyn, isaga oo dhanka kale tilmaamay shacabka in keliya Aqoonsi la weydiinayo marka ay tagayaan xarumaha Dowladda oo uu tusaale u soo qaatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa aad u soo dhaweeyay arrintan, isaga oo sheegay in ay ka mid tahay baahiyaha shacabka ee ay ka jawaabayaan.
SHacabka reer Muqdisho ee wata Gawaarida ayaa aad ugu dhib qada xilliyada ay marayaan wadooyinka waa weyn Muqdisho, in la weydiiyo Aqoonsi Dowladeed, maadaama shacabka oo dhan aysan u wada shaqeyn Dowladda, taasi oo mararka sababi jirtay in ay ka habsaamaan goobohooda shaqo.