Akhriso: R/wasaare Khayre oo magacaabay bedelka Wasiir hore oo Geeriyooday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa u magacaabay xilkaan Mudane Eng. Saadiq C/laahi Cabdi maanta oo taariikhdu tahay 22-ka Bishaan Agoosto 2017-ka.

Xilkaan ayaa banaanaa in muda ah kadib markii la dilay Wasiirkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dibu dhiska Cabaas Sheekh Siraaji.

Mudane Eng. Saadiq C/laahi Cabdi Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dibu dhiska ee Xukumadda Soomaaliya ayaa ka mid noqoya Wasiiradda Xasan Cali Khayre, Waxaana horyaala shaqooyin muhiima oo qeyb ka ah horumarinta Dalka.