Guddi heer Wasiir ah oo Puntland ka socda iyo Ganacsato ka kala timid 12-degmo oo Gobollada dhexe ah ayaa Magaaladda  Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland  kuwada gaaray is afgarad ku saabsan Isticmaalka lacagta shillin Soomaaliga.
Kulankii ugu danbeeyay ee shalay ka dhacay Magaaladda Garoowe ayaa  lagu shaaciyey is afgaradka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.
Waxaa la isla gartay qodobadda Hoos ku xusan.
1: In lacagta shillin Soomaaliga ah dhammaateed sidii hore u shaqayso,marka laga reebo lacagta been abuurka ah iyo midda aan lahayn tayyadii lacageed ee loo baahnaa.
2: si loola socdo dhaqdhaqaaqa lacagaha, wixii ka badan 50,000,000 Sh. So, (konton milyan), waxaa la marinayaa Bangiga  Puntland.
3:Waxaa lagu heshiiyey in sarifka lacagta lagu ilaaliyo halkii doolarba sideed iyo labaatan kun ( 28, 000 Sh. So).
4:Gaariga lagu haystey Gaalkacayo waxaa lagu sii daynayaa shuruud la’aan kharashka hawsha gaarigaas ku baxayna sidii ay hore uga heshiiyeen waxaa bixinaya  Puntland iyo Galmudug.
5:Puntland waxay gaadiidka badeecadaha u wada gobolada dhexe ee Soomaaliya ( transit goods) ka cafisay lacagta dejinta ee lagu qaadi jirey kastamka Gaalkacayo.
6:Waxay Puntland u fududaynaysaa gaadiidka badeecadaha u wada gobolada dhexe ee Soomaaliya safarka, waxaa reeban in gaadiidka raran lagu xayiro Kastamada Puntland, waana in saraakiisha Kastamada Puntland si hufan u gutaan waajibaad kooda,wakhtiga shaqada loogu  talagalayna ay socoto.
7:Waxaa la isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dib loogu furilahaa waddada laamiga ah ee isku xirta dalka ee ka xiran dhinaca koonfureed ee Gaalkacayo.
8:Dhammaan qodobada kor ku xusan waxaa lagu samaynkaraa dib u eegis markii loo baahdo.
Maalmihii dambe waxaa jirey Khilaaf u dhaxeeyay Maamulka Puntland iyo Ganacsatada deeganada maamulkaas oo ku aadan isticmaalka Lacagta Shilling.
SAWIRRO