Akhriso: Natiijo Hordhac ah oo kasoo baxday baaritaankii dadkii lagu xasuuqay Bariire

Guddoomiyaha Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa soo saaray waraaq uu ku faahfaahinayo natiijada maamulka uga soo baxday baaristii ay ku sameeyeen weerarkii  dhawaan ka dhacay Bariire.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay waxyaabo badan oo ku saabsan dadkii la laayey, isagoo sheegay inay dadkaas ahaayeen dad hubeysan oo naftooda iyo maalkooda difaacanayey iyagoo ka cabsanayey beelo kale.

Dhanka kale Guddigii Dowladda Soomaliya u magacowday arintaas ayaa maanta oo Arbacaha ah laga sugayaa in ay soo bandhigaan Natiijadda baaritaanka weerarkii lagu laayay shacab Soomaliyeed ee ka dhacay deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Hoos ka akhriso warqada ay soo saareen maamulka degmada Awdheegle