Akhriso: Magacyada 4 Nin oo Al-shabaab ay maanta ku toogteen Jubbada Dhexe

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Bu’aalle ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta halkaasi Al-Shabaab ay ku toogteen Afar nin oo ay ku eedeeyeen in ay basaas u ahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Fagaare kuyaal magaalada Bu’aale ayaa lagu toogtay Afar Nin oo lagu soo eedeeyay Basaasiin sida ay sheegtay Maxkamadda Al-Shabaab ee jubbooyinka.

Gudoomiyaha Maxakamadda Al-Shabaab ee gobolada Jubbooyinka ayaa sheegay in ragga la toogtay ay la shaqeynaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dowlado Shisheeye.
Afarta qof ee la toogtay ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay:

Cabdi Risaaq Xaashi Cabaas

Cumar Cadar Cumar

Max’med Aba Mayoow

Mustaf Macalim Xasan

Al-Shabaab ayaa inta badan degaanada ay gacanta ku hayaan ku toogta dadka ay ku eedeeyaan in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.