Akhriso: Madaxweyne Farmaajo oo Amaan balaaran u jeediyay Xaaf iyo Sheekh Shaakir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiska ay wada galeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marka hore Madaxweynaha Galmudug iyo Sheekh Maxamed Shakir ku ammaanay sida ay u soo dharaan dharinayeen heshiiska iyo meesha ay hada ay soo gaarsiiyeen, wuxuuna ugu baaqay in la dhaqan geliyo heshiiska la gaaray.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Golaha Wasiirada Galmudug, Xildhibaanada iyo shacabka Gobolada Dhexe ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan sidii horey loogu sii socon lahaa, si looga baxo dhibaatooyinka hada ka jira Gobolada Dhexe.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa mahad balaaran u jeediyay Wasaarada Arrimaha Guddaha iyo guddiyadii isku xil saaray inuu qabsoomo heshiiskan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay howshani soo bilaabatay tan iyo markii la caleema saaray xiligaasi uu isagu yeeray in ay Gogosha wada hadalka isagu yimaadaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyay dagaaladii cuslaa ay Ciidamada Ahlu-sunna la galeen Al-shabaab kuwaas oo u ogolaan waayay in ay dhibaatooyin ka geystaan deegaanada ay ku sugnaayeen Ahlu-sunna.

Ahlu Sunna iyo Gal-Mudug ayaa shalay gelinkii dambe heshiis rasmi ah oo ka kooban 14 qodob ku kala saxiixday madaxtooyadda Soomaaliya iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweyne Maxamed (Farmaajo) iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ee dowladda Federaalka.

Heshiiskan ayaa qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir uu noqonayo Madaxa Xukuumada dowlad goboleedka Galmudug iyadoo xilkaasi uu yahay mid aysan hore u lahayn maamul goboleedyada dalka.