Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa kula kulmay Magaalada Nairobi dhiggiisa dalka Kenya H.E. Amb. Monica Juma. Kulanka ayaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo dhowr arrimood oo xaaladda gobolka iyo dunida si gaar ah xaaladihii ugu dambeeyay ee dhismaha derbiga laga dhisayo inta u dhexeysa Beled Xaawo iyo Mandheera iyo dadaallada joogtada ah ee loogu jiro sidii gebi ahaan loo joojin lahaa dhisiddiisa.
Labada Wasiir ayaa kulankooda uga wada dooday isfahamka dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ee joojinta dhisidda derbiga iyo unkidda guddi wasiiro oo wadaag ah, kuwaasi oo kulamadooda ugu horreeya uu ka dhici doono Mandhera.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Caalamiga ee Kenya H.E. Amb. Monica Juma ayaa sidoo kale kawada hadlay heshiisyadii hore ee labada dal ay kala saxiixdeen oo la xiriiray ammaanka, ganacsiga, iskaashiga arrimaha bankiga iyo tababaridda howlwadeennada caafimaadka, kalkaaliyeyaasha iyo shaqaallaha rayidka ee Soomaaliya