AKHRISO: Ku dhawaaqista Golaha Wasiirada Galmudug oo dib u dhac ku yimid

In kastoo uu weli jiro diyaar garowga magacaabistaas ayaa hadana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in dib loo dhigay,kadib markii codsi uu ka yimid waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Maamulkaas.

Weli waxaa taagan khilaafka soo kala dhexgalay madaxda sare ee Galmudug kuwaas oo haatan kala degan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb taas oo keentay dib u dhaca Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug.

Wararka aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweyne Xaaf uu aqbalay codsiga odayaasha iyo siyaasiyiinta,walow weli aysan jirin cid waan waan ka dhex wada madaxda iskhilaafsan ee Galmudug.