Akhriso: Khilaaf ka taagan Magacaabista Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf uu ka dhextaagan yahay Madaxda maamulka Hirshabeelle qaarkood, taas oo salka ku heysa magacaabista Golaha Wasiirada maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa qorsheynaya inuu soo dhiso Gole xukuumad oo dhalinyaro u badan, kuwaasi oo aanan aheyn xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle, iyada oo ay jirto xildhibaanadii doortay xilligii Ololaha Doorashada qaarkood uu u balan qaaday inuu ku soo darayo liiska Xukuumadda uu soo dhisayo.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay isku khilaafeen shax uu soo bandhigay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo khuseysa magacaabista Golaha Wasiirada maamulka Hirshabeelle.
Waare oo socdaalo ku maray Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu taageero uga raadiyay Golaha Wasiirada cusub ee Hirshabeerlle, kuwaasi oo dhowaan uu soo magacaabi rabo.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhowaan dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa la kulmay xubno ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaasi oo u gudbiyay boosaska ay rabaan, balse Madaxweynaha uu fadhiga uga kacay lamana oga tilaabooyinka xigi doono ayadoo waqtigu kusii yaraanayo Mudane Waare.