Akhriso: Halkee marayaa dhameystirka Qorshaha isku dhafka Ciidamada

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Masuuliyiintan ayaa ujeekda ay u gaareen magaalada Kismaayo waxa ay ku sheegeen in ay tahay dhameystirka qorshaha isku dhafka Ciidamada Dowladda ee ku sugan degaanada Maamulka Jubbaland.

Maxamed Cali Xagaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan qorshaha dhameystirka Ciidamada Dowladda Federaalka.

Aadan Xasan Aadan Safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti ayaa sheegay sababaha uu u gaaray magaalada Kismaayo in ay tahay sidii Dowladda Soomaaliya uu uga caawin lahaa qorshaha isku dhafka Ciidamada.