Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Guddoomiye ku xigeenka ayaa Qoraal wadajir ah oo ay ka soo saareen Cadaado waxay kaga soo horjeesteen go’aankii xalay ka soo baxay Madaxweyne Xaaf, kaas oo lagu taageerayay xulufada Sacuudiga.
Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in aanan lagala tashan warqadii ka soo baxday Madaxtooyada maamulka Galmudug ee uu ku saxiixnaa Madaxweyne Xaaf.
Warka qoraalka ah ayaa waxay ku sheegeen in Galmudug ay ku mowqif tahay dowladda Dhexe, ayna taageerayaan dhex dhexaadnimadii ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka.
Sidoo kale masuuliyantan ayaa warqada ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in aysan jirin meel heerarka maamul ee Dowlad goboleedka Galmudug go’aan uga gaaray war-murtiyeedka warbaahinta lagu faafiyay.
Halkan Hoose ka Akhriso Warqadda.