AKHRISO: Fariin qiiro leh oo ku socota Madaxweyne Farmaajo

Qaar ka mid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Cummaan ayaa Farriin u soo diray Madaxda Sare ee dalka, taasoo ku aadan in laga sii daayo xabsi ay ku xirnaayeen Muddo.

Dhalinyaraddaan ayaa waxaa loo heystaa in ay ka tirsanaayeen Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Farriinta ay usoo direen Madaxda Qaranka ayaa siddaan u qorneyd.

 Madaxweyne, waxaan Gaareynaa 33 Maxbuus, waxaan ku xiranahay xabsiga SAMAIL ee dalka Cumaan, Waxaa naga dhintay seddex ruux, Muddo sagaal sano ah ayaan xabsigan ku xiranahay.

Seddex waqti oo kala duwan ayaa nala xiray, Qaarkeen ilaa 2010 ilaa hadda ayay xiran yihiin, waxaana xanuuno soo wajahay darteed ayaa biro gudaha Jirkooda ay ugu jiraan.

Waxaa laga yaabaa inay Fariinteena kusoo gaartay, markii safarka aad ku mareysay gobolada dhexe, oo aabayaasheen ayaa inoo sheegay inaad u balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan aad xarigeena wax uga qaban doonto, balse wali kuma hayno MUDANE.

Sidoo kale Fariinteena Waxaan kugu soo dhiibnay Xildhibaano iyo Senetaro ay kamid yihiin Cabdi Qeybdiid iyo C/raxmaan Faroole, Ma hubno inay kusoo gaarsiiyeen.

Waxaan nahay Rajo ku noolayaal sugaya Dowladooda, waxaan rajo fiican yeelanay markii Reerkeena ay inoo sheegeen in dowladaadu maxaabiis Badan kasoo deysay Caalamka, gaar ahaan Ethiopia iyo India “Mahadsanid Madaxweyne & Ra’isuul wasaare”.

Dadka aad soo deyseen waa walaalaheen dareemay dhibaatada xabsiga dibbadda leeyahay, Wali anagase wan ku jirnaa Ciilka iyo xanuunka.

Waxaan dareemeynaa Xoriyad la’aan iyo dhibaatooyin kale oo halkaan aanan ku sheegi karin, Mudane.

Qaarkeen waxaa lagu xukumay 25 sano oo Burcad badeednimo ayaa nalagu eedeeyay, Mudane waxaan diyaar u nahay in xitaa ugu yaraan dalkeena ku dhameysano xukunka.

“adiga  oo ku jiro qol xabsi ah, Albaabkiisu biro yihiin, anna aan ahay madaxweynahaada, intaan kuu imaado adiga oo gacanta kaliya taagan kara, kuguna bishaareyna “Mar dhow ayaad ka baxeysaan Halkaan”, Mudane maxaad dareemi laheyd.

Guuleysta Waligiin, annagana naga Farxiya Madaxdii Qarankow.

Fariintaan waxay kaa sugaysaa Mudane Farmaajo haddii aad aragto Jawaab.

 [HANA HILMAAMAY, SIDII KUWII KAA HOREEYAY]