Akhriso: Dowladda Soomaaliya oo heshiiska kala laabatay 17 Shirkadood oo dalka ka howl gala

Dowladda Soomaaliya ayaa dib uga laabatay dhaman heshiisyo ay horay ul gashay Shirkado gaar loo leeyahay oo deegyo u qabta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Cabdirxmaan Ducaale beyle,Wasiirka Wasaarada Maaliyada Soomaaliya ayaa lagula socod siiyay Shirkadaha dalka ka howlgalla islamarkaana lala socod siinayay Madxweynaha,Ra’iisul Wasaaraha,Xisaabiyaha Guud, Hantidhowrka Qaranka iyo Hay’ddaha kale ee dalka.

Wareegtadan ayaa lagu cadeeyay in laga bilaabo 31 July inay xukuumadda Federaalka  ka baxday dhamaan heshiisyadii ay kula jirtey shirkadaha sida qaaska ah loo leeyahay,iyada oo shirkadahaas loo qabtay Mudo laba Maalin ah.

Shirkadaha heshiiska lagala laabtay oo laga leeyahay dhamaantood dalka oo gaaraya ilaa 17 Shirkadood ayaa waxa ay kala yihiin.

1- .Shirkadda Visooyinka,

2-.Shirkadda Pasaporka,

3- Shirkadda Lesinada iyo Taargooyinka,

4- Shirkadda Tresmitralaha,

5- Shirkadda Gaadiidka Airporka,

6- Shirkadda Sameysa Shahaadooyinka

7-Shirkadda Notaayoyinka/Superlogoyinka,

8- Shirkadda Quality Controlka,

9-. Shirkadda PGM ee Dekadda

11- Shirkadda Scanka Dekadda,

12-Shirkadda Shatiyada kala duwan,

13- Shirkadda Sameyso Dhalashada iyo Kaarka Aqoonsiga.

14- Shirkadda Canshuuraha Guryaha,

15 Shirkadda Shidaalka siisa Ciidanka,

16 Shirkadda Raashinka iyo Cuntada siisa Police-ka,

17 – Shirkadda Shidaalka siiso Gobolka Banaadir.

Heshiiskaan wax saameyn ah kuma yeelan doona shirkadha laga leeyahay dalk turkiga ee maamula Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo dekadda weyn Intaba.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Wasiirka Maaliyada