Akhriso: Dowladda Federalka oo Amar kusoo rogtay Hey’adaha degan Xalane iyo Garoonka…

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warqad u dirtay Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, AMISOM, safaaradaha , sharikadaha duullimaadka iyo dhamaan hay’adaha kale ee shisheeye ee deggan Magaalada Muqdisho.

Warqadda ayaa ujeedadeedu ahayd in Dadka ay ku socoto warqaddaas magaca Garoonka Adan Cadde uusan ahayn Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho balse uu yahay Garoonka Aada Cadde ee Caalamiga ah.

Hay’adaha ayaa loogu sheegay warqaddan in magaca Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho loo beddelay magaca uu hadda wato si loogu maamuuso madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya  Aadan Cabdulle Cismaan.

Warqadda ayaa ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar.

Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan u beddelaan magaca Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho oo wali ku jira warqadaha rasmiga ee la isu diro.