C/qaadir C/raxmaan Cali oo ah Wasiiru Dowlaha Amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Howlgalada ka socda degaanada Koonfur Galbeed, ee lagula dagaalamayo ururka Al-shabaab.
Wuxuu sheegay Howlgalada ka socda degaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool in ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Koonfur Galbeed oo garab ka helaya Ciidamadii Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ku sugan gobolka Bakool.
C/qaadir C/raxmaan ayaa sidoo kale in ay isku xiran yihiin Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Abuu Mansuur, arrintana ay u tahay dhiiragelin, ku qasbeysa in ay sii kordhinayaan Howlgalada ka socda Koonfur Galbeed.
Sidoo kale wuxuu sheegay Wasiiru Dowlaha Amniga maamulka Koonfur Galbeed in Roobow uu yahay nin jecel dadkiisa, tan iyo markii uu wada hadal la yeeshay Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed in uu u soo jeestay in uu difaaco dadkiisa iyo dalkiisa.
Degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Koonfur Galbeed iyo ururka Al-shabaab oo ku sugan degaano iyo degmooyin ka tirsan maamulkaasi, iyada oo Koonfur Galbeed ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee Al-shabaab ay uga saareyso degaanadeeda.