Agaasimihii hore Wasaarada Warfaafinta DF oo ku dhaawacmay Qarax.

Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ee dhawaan lagu sameeyay Shaqo Joojinta, C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa ku dhaawacmay Qarax loogu xiray Gaarigiisa, Waxayna Wararku ay sheegayaan in Agaasimaha uu dhawac ka soo gaaray Qaraxaasi.

Agaasime Bahlaawi ayaa xilliga la qarxinayay waxa uu marayay Agagaarka Taleex ee Degmadda Hodan. Waxaana la aaminsan yahay in Qaruxu uu ahaa mid Gaarigiisa loogu xiray.

ma jirto Faah faahin dheeriya oo laga bixiyay Qaraxan.

wixii ku soo kordha arrintan kala soco Halkan.