Agaasime Koofi oo lagu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso (Sawirro)

Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminyay Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jimsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Wafdiga  Koofi ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, Waxgarad iyo xubno kale.

Agaasimaha wuxuuna halkaas kula kulmay saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo ka mid ah Garoomada ugu casrisan ee dalka ku yaalla.

Safarka Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jimsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) uu ku tagay Magaalada Boosaaso ayaa qeyb ka ah safaro maalmihii u dambeeyay uu ku tagayay Magaalooyinka qaar ee Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.