Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo la kulmay Wasiirka Socdaalka UK (SAWIRRO)

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo maalmahaan ku sugnaa UK ayaa kulan la qaatey wasiirka Socdaalka dalka UK, waxaana laga wadahadley baasaboorka Soomaaliya iyo iskaashi dhinaca socdaalka ah oo dhex mara labada dhinac.
Wasiirka socdaalka UK ayaa sheegey in ay si wadi doonaan isla markaana xoojin doonaan xariirka dhinaca socdaalka ee ka dhaxeeya UK iyo Soomaaliya, iyo weliba hanaanka socda ee aqoonsiga loogu raadinayo baasaboorka Soomaaliya.
Agaasimaha guud iyo wifdiga uu hogaamanayey ayaa booqdey xaruunta laga bixiyo baasaboorka UK iyo weliba xaruunta hubinta dukumentiyada UK.  Sidoo kale agaasimaha ayaa la kulmey khubarada gacanta ku heysa baasaboorka Soomaaliya isaga oo ka qaatey warbixin ku saabsan hanaanka aqoonsiga loogu raadinayo baasaboorka Soomaaliya.